Home Wararka Caalamka Raisel Wasaaraha Ingariiska Boris Johnson oo Midowga Yurub ugu baaqay in Heshiis...

Raisel Wasaaraha Ingariiska Boris Johnson oo Midowga Yurub ugu baaqay in Heshiis ganacsi la yimaadaan

1

Midowga Yurub waa inuu soo gabagabeeyaa heshiis ganacsi oo uu la galo Boqortooyada Midowday kahor intaan la gaarin xilliga kala guurka ee ka bixitaanka UK ee midowga Yurub ee uu ku egyahay 1 Janaayo. Sida uu Qoraal ku cadeeyay Raiisel Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska , Boris Johnson.

– Dhammaan rajada aan qabo waa in saaxiibbadeen ay masaxdooda dajiyaan oo heshiis la galaan Dowlada UK.

“Waxay u baahan tahay oo keliya inay fahmaan in Britain ay leedahay xuquuq dabiici ah – sida waddan kasta oo kale – inay maamusho sharciyadeeda iyo kalluumeysiga,” ayuu yiri.

Ku dhawaaqida Boris Johnson waxay imaaneysaa inta lagu jiro su’aalihii ugu dambeeyay ee todobaadlaha ah ee baarlamaanka kahor fasaxyada Kirismaska ​​- iyo sidoo kale kahor sanadka cusub, marka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub uu dhaqan galo.

Gaar ahaan meelaha ay ka mid yihiin ganacsiga iyo kalluumeysiga ee Boqortooyada Midowday iyo Midowga Yurub ay aad ugu kala fog yihiin iskuday ay heshiis cusub oo iskaashi ah ka yeeshaan mustaqbalka.

Somaliska UK

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here