Home Wararka Finland Qaxooti laga qaaday Malta oo gaaray Dalka Finland

Qaxooti laga qaaday Malta oo gaaray Dalka Finland

0

25 qof oo magangalyo doon ah kana yimid xero qaxooti oo kutaala Malta ayaa gaaray xarunta qaabilaada Joutseno oo kutaala Lappeenranta, bariga Finland

Qaxootiga ayaa ka kooban gebi ahaanba xubno ka tirsan qoysaska waalid keli socod ah ee ka soo jeeda gobolka Bariga Afrika, dib u dejintooduna waxay qayb ka tahay ballanqaadkii dowladda Finland ee ahaa inay wadar ahaan qaadato 175 magangalyo doon ah oo laga soo qaado xeryaha qaxootiga ee Mediterranean .

Marka laga reebo Finland, dalal kale oo Midowga Yurub ka mid ah ayaa sidoo kale oggolaaday in magangelyo-doonka laga soo qaato xeryaha, kuwaasoo ku kala yaalla Griiga, Qubrus, Malta iyo Talyaaniga.

Xarunta qaabilaada ee Joutseno ayaa hada qaabashay qaaxoti iyadoo kaliya 130 qof u sameeyay dib u dejin  marka la eego 250-ka boos ee banaan.

Xarumaha qaabilaada ee kuyaala guud ahaan Finland ayaa ka warbixinaya tirooyin la mid ah, maadaama dhibaatada coronavirus-ka ay sii socoto saameynta tirada dadka magangalyo doonka ah ee Finland.

Somaliska Helsinki

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here