Home Wararka Maanta Tirada Dadka cusub ee u dhintay Convid-19 gudaha Sweden oo lasoo bandhigay

Tirada Dadka cusub ee u dhintay Convid-19 gudaha Sweden oo lasoo bandhigay

0
Photo: Ole Berg-Rusten / NTB

135 qof oo kale ayaa u dhintay Xanuunka Coronvirus sida ay ku dhawaaqdey hay’ada caafimaadka bulshada ee Dalka Sweden maanta oo Arboco ah.

tirada Dhimashada Cusub ayaa ka dhigeysa 7,802 qof tirada guud ee Xanuunka u dhimatay tan iyo markii xanuunka ka dilaacay wadanka.

Isugeyn 348,585 qof oo ku nool Sweden ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka loo yaqaan ‘covid-19.

Dhimashooyinka cusub ee tirakoobka wakaaladda Caafimaadka Dadweynaha waxay kiisaska badankood dhaceen dhowr maalmood ka hor, dhimashooyinka dhacay mustaqbalka dhow laguma darin dib-u-dhaca ku yimid warbixinta. Tan macnaheedu waa cusbooneysiinta maalinlaha ah waxay muujineysaa heerarka dhimashada la soo sheegay, ee ma ahan heerka dhimashada maalintaasi

Sweden ayaa la tacaaleysa Coronavirus iyadoo xirtay guud ahaan wadanka qeybaha ugu muhiimsan sida iskuulada iyo xaruumaha kale ee bulshada muhiimka u ah.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here