Home Wararka Caalamka Raisal Wasaarihii hore ee Sweden Stefan Löfven oo Shaqo raadis ah

Raisal Wasaarihii hore ee Sweden Stefan Löfven oo Shaqo raadis ah

0

muda kadib Raisal Wasaaraha Sweden ayaa dhawaan iskaga tagay xilka Raisal Wasaaraha dalka isagoo xilkaasi ku Wareejiyay Magdalena Andersson

Hadda waxa uu si deggan ugu nool yahay magaalada yar ee Örnsköldsvik ee gobolka Westernorland balse wuu sii qorsheeyey inuu shaqeysto. “Waxaan rabaa inaan shaqeeyo,” ayuu u sheegay Expressen (Jag vill arbeta). “ma doonayo inaan fadhiisto.

Dhamaadkii bishii November ee la soo dhaafay, Löfven ayaa iska casilay xilka ra’iisul wasaaraha. In kasta oo ay ahayd “go’aan adag.

“Waxa ugu horreeya ee aan sameeyo waxay ahayd nasasho,” Löfven ayaa sidaasi u sheegay warbaahinta. Waxaan marka hore go’aansaday in aan aado Örnsköldsvik halkaas oo gurigayagu ku yaal. Waxaan joognay halkaas muddo bil ah.

Nuuca Shaqo lama shaacin lakin hadalkiisa ayuu ku sheegay inuu doonayo inuu shaqeeyo oo uusan fadhiisan madama uu ka nasanayo Siyaasada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here