Home News in English Qof u dhintay Toogasho loogu geestay Xaafada Rinkeby ee Stockholm

Qof u dhintay Toogasho loogu geestay Xaafada Rinkeby ee Stockholm

0

Nin dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay labaatan jir ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas xalay looga geeatay xaafadda Rinkeby ee magaalada caasimadda ah ee Stockholm.

Ninkan ayaa la helay isagoo dhaawac ah, oo dhowr xabadood lagu dhuftay, waqtigaasi.

Booliska ayaa lagu wargaliyay goobta uu shilku ka dhacay 22:15 habeenimo.

Booliisku waxay tilmaameen in aan weli la soo qaban dad laga shakisan yahay.

“Baaritaan farsamo ayaa goobta laga sameeyay, waxaana bilaysku ay billaabeen baaritaan horudhac ah,” sida uu sheegay Fredrik Andersen, oo ah sarkaal ku sugan Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here