Home Wararka Caalamka Raisal Wasaaraha Sweden oo ka hadlay Hadalkii Jimmie Åkesson

Raisal Wasaaraha Sweden oo ka hadlay Hadalkii Jimmie Åkesson

0
Foto: Claudio Bresciani / TT

Raisal Wasaaraha Sweden Ulf ayaa ka hadlay Hadalkii dhawaan kasoo yeeray Hogaamiyaha Xisbiga SD ee ku aadanaa joojinta masaajida cusub ee laga dhiso Sweden iyo in la bur-buriyo kuwa laga faafiyo hadalada kasoo horjeeda Dimuquraadiyada Dalka iyo Bulshada Sweden.

Hadalkaasi kadib Ulf ayaa sheegay in Sweden tahay wadan ay Xuquuq ku leeyihiin Dadka kala duwan ee heysta Diimaha Sida Muslimka, Jews-ka iyo.

isagoo ka hawaabaya hadalka kasoo jeeray Jimmie Åkesson Waxa uu yiri ” Gudaha Dalka Sweden ma Xireyno goobaha lagu Cibaadeysto”

Hogoomiyaha Xisbiga S Magdalena Andersson ayaa dhankeeda dhaleeceesay hadalkaasi kasoo yeeray Jimmie Åkesson waxayna xisbiyada kale ee dowlada ugu baaqday in xiriirka loo jaro Xisbiga SD.

Hogaamiyaha Xisbiga Sd ayaa dhoor jeer sheegay hadalo abuuray Khilaaf xoogan oo ku aadan Ajaanibta ku nool Sweden.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here