Home Wararka Caalamka Iskuulka Cordoba ee Kista oo si Rasmi Loo Xiray

Iskuulka Cordoba ee Kista oo si Rasmi Loo Xiray

0

Iskuulka Cordoba ee ku yaala Xaafada Kista ayaa go’an lagu gaaray in la Xiro kadib markii ay digniin soo laartay Hay’ada Amaanka Sweden ee Säpo oo la Xiriira Falal Xagjirnimo ah oo lagu helay Qaar kamid ah Shaqaalaha Iskuulka.

Maamulka Waxbarasho ayaa bilaabay baaritaan ku aadan in Maamulka iskuulka lagu helay Arimo Xagjirnimo ah bishii Octobar ee Sanadkii hore lakin Maamulka ayaa hada ku Dhawaaqay go’anka.

Go’anka ayaa dhigaya in 8 January sanadka 2024 wixii ka danbeeya uu Xiranyahay iskuulka Cordoba International School oo wax ku bartaan arday gaareysa 500.

– Waxaa Säpo ka helnay xog ku saabsan in ay jiraan shaqaale iyo dad firfircoon oo ka shaqeeya shirkadaha maamula iskuulka kuwaas oo xiriir la sameeyay Islaamiyiinta ayay tiri Anna Bergqvist oo ah madaxa laanta kormeerka iskoolka oo la hadashay wargeyska Dagens Nyheter .

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here