Home Wararka Caalamka Jimmie Åkesson ” Hala Joojiyo Dhismaha Masaajida Cusub

Jimmie Åkesson ” Hala Joojiyo Dhismaha Masaajida Cusub

0

Hogaamiyaha Xisbiga Sverigedemokraterna oo Khudbad ka Jeediyay Kulan uu Xisbigiisa ku lahaa Magaalada Västerås ayuu ku Sheegay in Sweden laga Joojiyo Dhismaha Masaajida Cusub isagoo Sidoo kale Sheegay in la Dumiyo Kuwa Kale ee lagu Fidiyo Fikradaha Xagjirka ee Muslimiinta.

Khudbada Jimmie Åkesson oo dhinacyo badan taabaneysay ayaa keentay dood xoogan oo gaar ahaan qeybta uu kaga hadlay duminta Masaajida ka dhisan Wadanka.

Waxa uu Carabka ku adkeeyay in laga Taqaluso Masaajida ka hor imaanaya Dimuquraadiyada Wadanka Sweden waliba sida ugu dhaqsiyaha badan.

Sweden ayaa dhawaan kasoo baxday Mowjado Siyaasad Xumo oo ka dhalatay Falalkii lagu gubay Quraanka Kariimka taasi oo Saameyn ku yeelatay Dhaqaalaha Wadanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here