Home Wararka Caalamka Dowlada Sweden oo sheegtay in Dhalashada laga Celinayo Xitaa Kuwa aan heysan...

Dowlada Sweden oo sheegtay in Dhalashada laga Celinayo Xitaa Kuwa aan heysan Dhalasho kale

0
Foto: Marko Säävälä / TT

Wasiirka cadaalada Sweden Gunnar Strömer ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Sweden ay u furantahay in la baaro suurtagalnimada in dhalashada Sweden laga qaado muwaadiniinta Sweden xitaa hadii aysan heysan mid kale, tusaale ahaan in laga dhigo wadan la’aan.

Dawladda ayaa bilawday baadhitaan ay ku samaynayso suurtogalnimada in jinsiyadda lagala laabto muwaadiniinta Sweden.

Baaritaanka ayaa la xidhiidha laba qodob oo waaweyn: “Marka uu qof galo fal-dambiyeed khatar ku ah nidaamka Dowlada , ama marka qof u hanjabo, laaluusho, ama bixiyo warar been abuur ah si uu u helo dhalashada” sida uu sheegay Stromer.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya maalin kadib markii xoghayaha xisbiga SD uu sheegay in shirweynaha xisbigiisa uu qaadan doono hindise kan la mid ah oo lagu doonayo in dadka soo galootiga ah laga xayuubiyo dhalashada Sweden, xitaa hadii ay u furan tahay in laga dhigo dhalasho la’an.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here