Home Wararka Caalamka Qoysaska leesku keeno Sharuudahooda oo la adkeeyay laga soo bilaabo 1 December

Qoysaska leesku keeno Sharuudahooda oo la adkeeyay laga soo bilaabo 1 December

0
Photo: Anders Wiklund/TT

ugu danbeyn hay’ada laanta Socdaalka Sweden ayaa ku dhawaaqday in la adkeeyay sharciyada Dadka Qoysaska isku ah ee imaanaya ama loogu Dacweenayo Sweden.

Sharciyada la adkeeyay ayaa Barlamaanka waxa uu ansixiyay Bishii November 9-keeda waxana uu dhaqan galay kowda Bisha December.

Sharciyada la adkeeyay waxaa kamid ah.

Qofka Dacwad ahaan loogu keenayo lamaanihiisa Waxaa in uu ka sareeyo 21 sano jir si loo siiyo sharciga Deganaansha horay waxay u aheyd 18 sano lakin hada waa in labada qof ay gaareen da’da 21 sano iyo ka badan.

Fursada Saddexda Bilood oo la Joojiyo

Qofka marka uu helo Deganaanshaha Sweden waxa uu Xaq u leeyahay inuu Dacwad u furo Qoyskiisa Saddexda bilood gudaheed iyadoo Sharuud lagu Xirin sida Dhaqaale ama guri taasi hada waa la joojiyay guud ahaan.

Qaxooti la keeno oo Sharuudo lagu daray

Qofka Qaxooti ahaan marka loo keeno wadanka Sharuudaha Saddexda Bilood ee Dhaqaalaha looga dhaafayo waxaa looga bilaabi jiray marka uu wadanka yimaado hada waxaa laga dhĂ­gay maalinta uu helo go’anka lagu siiyay sharciga Deganaanshaha isagoo ku sugan wadanka laga soo qaadayo.

Bini’aadantinimada oo la adkeeyay.

Hay’ada laanta socdaalka ayaa bixisa Sharciga Deganaasho oo lagu helo qaab Bini’aadantinimo sharciyada cusub ayaa dhigaya in la adkeeyay sharciyada lagu bixiyo qaabka Bini’aadantinimada.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here