Home Wararka Maanta Hamaaz oo sii deesay 14 Qof kale oo laheestayaal ahaa:- Caalamka

Hamaaz oo sii deesay 14 Qof kale oo laheestayaal ahaa:- Caalamka

0

14 qof oo ka mid ahaa dadkii la qafaashay ayay Xamaas sii daysay fiidnimadii Arbacada, sida ay warbaahinta u sheegeen dhowr qof.

Waa ilaa afar qof oo Thai ah iyo toban qof oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo 54 maalmood oo ay haysteen ka dib, hadda lagu wareejiyay Laanqayrta Cas. Kooxdan ayaa ah tii lixaad ee ay Xamaas sii dayso.

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Majed al Ansari ayaa ku qoray X in kala bar ay yihiin haween halka kala bar ay caruur yihiin muwaadiniinta Israa’iil. Waxaa ka mid ah dadka sidoo kale haysta dhalashada Netherlands, Jarmalka iyo Maraykanka. Horaantii Arbacadii, laba muwaadin oo Ruush ah ayaa sidoo kale la sii daayay.

Israel, ayaa iyaduna sii deysay 30 maxaabiis falastiiniyiin ah, sida uu sheegay al Ansari.

Isku soo wada duuboo, Xamaas ayaa hadda sii daysay 74 la haystayaal ah, taa beddelkeedana Israa’iil waxay sii deysay 310 maxbuus.

Somaliska

Wararka Caalamka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here