Home Wararka Maanta Qoys dhan oo Ku dhintay Dab ka kacay Sandviken oo ka tirsan...

Qoys dhan oo Ku dhintay Dab ka kacay Sandviken oo ka tirsan Sweden

0
Foto: Ulf Palm / TT

Afar qof oo waaweyn iyo laba carruur ah oo hal qoys ka soo jeeda ayaa ku dhintay dab ka kacay Sandviken, ee degmada Gävleborg, habeenkii Christmas-ka.

Farsamo-yaqaannada Booliska oo ka hawl- galayay goobta uu dabku ka kacay ayaa helay afar qof oo mayd ah, kuwaasoo ay booliisku sheegeen maanta inay yihiin qoyska la la’yahay. Sida laga soo xigtay SVT.

Guri ku yaal xaafad ay degan yihiin ayaa gabi ahaanba gubtay habeenkii ciida masiixiga. Xilligaas, boolisku waxay walaac ka muujiyeen in afartii qof ee ku noolaa ay ku hareen gudaha.

Waxayna farsamayaqaannada booliiska si weyn uga hawl-galeen baadi-goobka maydadka qoyska la la’yahay iyo sidii loo ogaan lahaa waxa sababay dabka.

Intii lagu jiray fasaxa, booliiska oo taageero ka helaya booliiska Jarmalka, Switzerland ayaa dadaal u galay sidii ay ula xiriiri lahaayeen qaraabada dhibanayaasha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here