Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo sheegay in bisha February uu booqan doono Sacuudiga

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo sheegay in bisha February uu booqan doono Sacuudiga

0
Photo by Adem ALTAN / AFP

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu u safri doono Sacuudiga bisha soo socota, waana booqashadii ugu horreysay ee hoggaamiyaha Turkiga uu ku tago tan iyo sannadkii 2018-kii dilkii saxafiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi oo lagu dilay Istanbul.

Xiriirka Turkiga iyo Sacuudiga ayaa aad u xumaaday kadib dilkii foosha xumaa ee Khashoggi loogu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul 2-dii October, 2018.

“waxaana booqasho ku tagi doonaa Sacuudiga bisha Febraayo,” ayuu Erdogan ku yiri muuqaal la soo dhigay baraha bulshada Isniintii.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay socdaalka la qorsheeyay ee ka yimid Riyaad.

Khashoggi, oo 59 jir ah, ayaa ahaa wariye wax ku qori jiray wargeyska The Washington Post, waxaana uu qunsuliyadda aaday si uu u soo qaato dukumeentiyo ku aadan arooska Hatice Cengiz.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here