Home Wararka Sweden Hindise: Ganaax dhan 800 kr Dadka aad u dheereeya Muusiga Gaariga Xiliga...

Hindise: Ganaax dhan 800 kr Dadka aad u dheereeya Muusiga Gaariga Xiliga Habeenki

0

Xeerilaalinta guud ayaa codsatay in ganaax la saaro qofkii cadeeya inuu muusiga gaarigiisa uu dheereeyo xiliga habeenki.

Tani waxay timid kadib markii booliska ay xaqiijiyeen inay korodhay tirada cabashooyinka ee dadka wada gawaarida xiliga habeenki ee dheereeya muusigada baabuurta.

Dacwad oogaha guud wuxuu soo jeediyay in ganaaxu noqdo 800 karoon.

Booliskuna wuxuu sharraxay, in tirada warbixinnada ay kordheen xilligii Corona si ka badan sidii hore.

Gobollada Dalarna iyo Valmland, booliisku waxay heleen 600 oo warbixin oo ku saabsan dhibaateynta ka dhalata Muusiga gawaarida sababo la xiriira muusig cod dheer habeenki.

Xeer ilaalintu waxay u yeertay, inay u fasaxdo booliska, inay fududeyso in ganaax toos ah lagu soo rogo darawalka inta gaariga la istaajinayo, haddii la caddeeyo in muusig cod weyn uu ka dhex yeerayo gaariga.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here