Home Wararka Caalamka Dowlada Austria oo soo saartay Xayiraado Cusub iyo Bandow

Dowlada Austria oo soo saartay Xayiraado Cusub iyo Bandow

0

Dowlada fadaraalka Austria ayaa mar kale soo rogtay xayiraad cusub , xili la filyay in la qafiifiyo xayiraada saarneyd wadanka

Kadibka kulan dhax maray dowlada dhexe iyo madaxda heer fadaraal ayaa lagu go,aamiyay in bandow cusub la soo rogo kadib makii cudurka covid19 dadka qaadaya ay si bateen

Iyadoo wadanka qaybo badan uu wali bandow saran yhy sida hotelada iyo maqaayadaha aya dowlada kadib wada tashiyo dheee kadib waxa bandow culus lagu soo rogay dhar gobal iyadoo loo aneenayo faafida cudurka oo ku sii badanaya gobaladaasi.

Gobalada Wien, Niederösterreich iyo Burgenland aya xayiraadan cusub oo dhaqan galaysa 1 april ay si toos ah u sameynaysa waxaana gabi ahaanba albaabada loo laabaya ganacsi walba marka laga reebo supermarket yada( goobaha lagu gado cuntada muhiim ka ah )

Bandowga aya soconays 1april ilaa 7 april kadib marka laga soo laabto fasaxa Osterferien sida dowlada ay shaacisay

Fasaxa ostern kadib ardaydu waxa, waxbarashada ku sii qadan doonaan qaab online ah

7 april wixii ka danbeeyo dadka dukaamaysanaya waxaa laga baar doona covid19

Guryaha waxa ka bixi kara oo kaliya qof shaqo / adeeg / u socda iyo waxyabaha kale ee muhiimka ah

Iskuulada ardayda wxy mar doonan marka la furo baaritaanka PCR test(baaritaanka u danbeysa qofka covid19 qofka la marsiiyo ).

Wixii aan cunto ahyn way sii xirnaan doonan ila dowlada ay go,aamo kle ay soo saari doonto.

Dowlada Austria aya shacabka mar kle uga digtay kulamada tooska inta lagu guda jiro Osterferien , waxana bulshada lagu dhiri galiyay in ay isticmalaan af xirka nuuca FP2 .

Bananbaxyo looga cabanayo bandowga culus ee wali sii socda aya maalmaha fasaxa lagu qabta wien iyadoo inta badan banaanbaxyadaasi ay soo abaabulan xisbiyada diidan bandowgan oo uu ka mid yhy xisbiga FPO .

Barlamaanka Austria aya xamiistii ansixiyay malaayin dollar oo dowlada ay kula dagalamayso sameynta covid19 iyadoo dowlada lacago siin donta qoysaska dhaqaalahoodu uu hooseeyo

W/Q:- Samiir Xasan Adan
Wien -Austria

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here