Home Wararka Sweden Dowlada Sweden: Tani waa sida dhalinyaro badani shaqo u heli doonaan

Dowlada Sweden: Tani waa sida dhalinyaro badani shaqo u heli doonaan

0
Photo: Jessica Gow / TT kod 10070

Dhallinyaro badan ayaa shaqo la’aan ah hadda. Waxaa ku adkaatay shirkadaha inay lacag helaan oo ay shaqooyin bixiyaan. taasi oo sabab ah fayraska corona.

Dowlada Sweden ayaa hada dooneysa inay kordhiso fursada dhalinyarada ay ku heli karaan shaqo isla marka ay dhameeyaan waxbarashada nuuc walbo oo ay tahay.

Fursadaha shaqada ayaa ah in koorso fudud qofka la siiyo taasi oo u sahleysa in uu shaqo ku helo tusaale dukaan iibiye oo kale.

Ardayda badankood waxay aadaan barnaamijyo u diyaariya inay sii wataan waxbarashadooda dugsiga sare kadib. Laakiin qaar badani waxba kama bartaan dugsiga sare kadib. Waxay raadinayaan shaqo.

Sidaa darteed, dowladdu waxay rabtaa inay ardaydaas awood u yeeshaan inay akhriyaan koorsooyin iyaguna u diyaarinaya xirfad.

Bilowga, kuwani waa koorsooyin xiriir la leh ganacsiga. Markay ardaydu dhammeeyaan waxbarashadooda , waa inay awoodaan inay codsadaan shaqo iibin ahaan, tusaale ahaan.

Ardayda ka soo qeyb gashay barnaamijyada ay ku bartaan xirfad badanaa waxay u sahlaysaa inay shaqo helaan isla markiiba ardayga.

– Tani waa markii ugu horreysay ee aan isku dayno sidan oo kale. Haddii ay si fiican u shaqeyso , koorsooyinka waxaa lagu daridoonaa xirfado kale.

Sidaa waxaa tiri Anna Ekström oo wasiir ka ah dowlada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here