Home Wararka Maanta Qorshe Cusub oo lagu Musaafurinayo kuwa Dambiyada ka geesta Sweden oo socda

Qorshe Cusub oo lagu Musaafurinayo kuwa Dambiyada ka geesta Sweden oo socda

0
Foto: TT

Sweden waxaa ka dhaca Dambiyo kala duwan waana qodobka ugu weyn ee dowlada horyaala si xal looga gaaro Dadka geesta dambiyada.

Siyaasiyiinta kala duwan ee Xisbiyada ayaa dowlada ku cadaadinaya in la tarxiilo kuwa lagu helo dambiyada Culus lana kordhiyo heerka tirada.

ku dhawaad 15,400 dambi ayaa ka dhacay Sweden sanadkii 2015 ilaa 2019 waxana laga tarxiilay 677 qof oo kaliya dadka dambiyada geestay.

Dowlada ayaa hada baaritaan ku sameeneysa in la kordhiyo tirada dadka laga musaafurinayo wadanka si loo gaarsiiyo 200 qof sanad kasta.

Wasiirka Calaada Sweden Morgan Johansson oo ka hadlay hindisaha Cusub ayaa soo dhaweeyay lakin waxana uu sheegay in dadka heesta dhalashada Sweden in aan lagu darin.

Sharciga ayaana la filayaa in lasoo bandhigo xiliga guga ee sanadkan danbe.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here