Home Wararka Maanta Norway: 3 Bil oo lagu xukumay Nin Xaaskiisa u jir dilay Isticmaalka...

Norway: 3 Bil oo lagu xukumay Nin Xaaskiisa u jir dilay Isticmaalka TikTok

0
Photo: Solen Feyissa / Pixabay

Nin ayaa lagu xukumay 60 maalmood oo xabsi ah ka dib markii uu karbaashay, garaacay, laaday xaaskiisa ka dib markii ay isticmaashay Tiktok.

Markii ninka 40 jirka ah uu waydiiyay xaaskiisa inay saaxiibbo ku leedahay Tiktok, sheekadu waxay isu rogtay muran halkaas oo haweeneyda lagu jir dilay, laad, iyo toddobo jeedal oo ah xariga taleefanka gacanta ah, sida uu qoray wargayska Moss Avis .

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Moss bishii Febraayo. Haweeneydii ayaa aakhirkii ku guuleysatay inay ka tagto guriga oo ay caawimaad ka raadsato dhowr saaxiibadeed.

Lamaanahan ayaa maxkamada degmada Søndre Østfold ku sharaxay inay labadooduba gacan ka hadal isku adeegsadeen. Maxkamadu ma rumaysan sharaxaada waxayna xooga saartay hadaladooda booliska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here