Booliska dalka Sweden ayaa saaka ku dhawaaqay in nin da’da sodonka jir ah uu ku dhintay magaalada Solberga ee koonfurta magaalada Stockholm , ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray toogasho loo geestay xalay
Afhayeen u hadlay booliiska, I. Osterling ayaa sidaasi sheegay
“Dhawr taleefoon ayaan helnay oo ku saabsanaa inaan maqalnay rasaas, ku dhawaad hal saac oo baaritaan ah ka dib, waxaan ka helnay qofka rasaasta ku dhaawacanmay oo bannaanka yaalla”
Isla wakhtigaas, abbaaraha tobankii habeenimo ee habeenimadii Khamiista, ayaa qof kale oo ku sugnaa balakoonkiisa oo ku yaalla Björkhagen, oo wax ka yar hal mayl u jirta, la toogtay, balse waxba ma gaadhin.
Ilaa hadda ma jirto cid looga shakisan yahay labadaas dambi.
Wararka kale ee Maanta
AD