Guddoomiyaha gobolka California, Gavin Newsom, ayaa saxiixay sharci cusub oo si rasmi ah u aqoonsanaya Ciidul-Fidriga iyo Ciidul-Adxaa gudaha gobolka.
Sharciga cusub, oo loo yaqaan AB 2017, ma abuurayo fasax cusub oo mushahar leh oo gaar u ah labada ciidood. Balse wuxuu u oggolaanayaa shaqaalaha gobolka iyo kuwa dugsiyada inay isticmaalaan fasaxyadooda shaqsiyeed ama maalmaha fasaxa ee ay hore u haysteen si ay ugu dabaaldegaan Ciidul-Fidriga iyo Ciidul-Adxaa.
Sida uu u sheegay warbaahinta maxalliga ah ee Fox40, sharcigu wuxuu si gaar ah u siinayaa hay’adaha waxbarashada iyo shaqaalaha fursad ay ugu dabaaldegaan labada ciidood sharcigu wuxuu oggolaanayaa dugsiyada dadweynaha ee ilaa heerka 12-aad iyo kulliyadaha bulshada (community colleges) inay xirmaan maalmaha ciidaha, haddii arrintaas lagu heshiiyo heer deegaan.
Sida uu sheegay warbaahinta maxalliga ah ee Fox40, sharcigu wuxuu si gaar ah u siinayaa hay’adaha waxbarashada iyo shaqaalaha fursad ay ugu dabaaldegaan labada ciidood iyaga oo adeegsanaya nidaamyada fasaxyada ee hadda jira.







