Home Wararka Caalamka Qof lagu toogtay Koonfurta Caasimada Stockholm

Qof lagu toogtay Koonfurta Caasimada Stockholm

0

Booliska dalka Sweden ayaa saaka ku dhawaaqay in nin da’da sodonka jir ah uu ku dhintay magaalada Solberga ee koonfurta magaalada Stockholm , ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray toogasho loo geestay xalay

Afhayeen u hadlay booliiska, I. Osterling ayaa sidaasi sheegay

“Dhawr taleefoon ayaan helnay oo ku saabsanaa inaan maqalnay rasaas, ku dhawaad ​​hal saac oo baaritaan ah ka dib, waxaan ka helnay qofka rasaasta ku dhaawacanmay oo bannaanka yaalla”

Isla wakhtigaas, abbaaraha tobankii habeenimo ee habeenimadii Khamiista, ayaa qof kale oo ku sugnaa balakoonkiisa oo ku yaalla Björkhagen, oo wax ka yar hal mayl u jirta, la toogtay, balse waxba ma gaadhin.

 Ilaa hadda ma jirto cid looga shakisan yahay labadaas dambi.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here