Home Wararka Caalamka Qaxootiga Suuriya ee Turkiga ku nool oo Weeraro Xoogan loo geestay, Maxaa...

Qaxootiga Suuriya ee Turkiga ku nool oo Weeraro Xoogan loo geestay, Maxaa keenay in la Bartilmaameyd sado

1

Wiil Turkiga u dhashay oo 18 Sano jir ah ayaa tooray lagu dilay waxana dilka geestay Koox Qaxootiga Suuriyaan ah intaasi kadib waxaa bilowday in la Bartilmaameyd sado goobahooda ganacsi iyo guryahooda.

Booliska Turkiga ayaa xiray tobanaan qof oo lala xiriirinayo weeraro is xigxigay oo lagu qaaday guryo iyo goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin u dhashay Suuriya.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda Ankara habeenimadii Arbacada, iyagoo ku dhawaaqayay halku dhigyo ka dhan ah Suuriya, xilli ay sii xoogeysanayeen hadalada.

Dhagxaan ayaa lagu tuuray guryaha qaxootiga Suuriya ee ku yaal xaafadda Altındağ halka dukaamada qaarna la jabsaday.

Booliiska Ankara ayaa sheegay in 76 eedeysane xabsiga la dhigay khamiistii, kuwaas oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarada ama ay wadaageen baraha bulshada ee kicinta dadweynaha kuwaas oo la sheegay inay gacan ka geysteen cadhada dadka.

Ugu yaraan 38 ka mid ah tuhmanayaasha ayaa horay u haystay dambiyoku saabsan dhac, weerar, ama ka ganacsiga maandooriyaha.

Somaliska Ankara

AD

1 COMMENT

  1. Waan KA xumahay in lacarqaladeeyo dad iyo dal magangalyo kusiyay arintan oo kalena waxaan kadambeeyo aan dhihi karaa mucaaradka mahadsanidiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here