Home Wararka Maanta Qareen kula taliyay in ay ka baxsato barnevern Hooyo laga qaadi lahaa...

Qareen kula taliyay in ay ka baxsato barnevern Hooyo laga qaadi lahaa Caruurteeda oo dacwad lagu soo oogay

0
Foto: Berit Roald / NTB

Qareen ku sugan Magaalada Trondheim ayaa dacwadiisa waxaa la horkeenay Maxkamada Trøndelag kaasi oo lagu eedeeyay in uu Hooyo kula taliyay ka baxsashada Hay’ada Daryeelka Caruurta

Sida ku xusan dacwada lagu soo oogay qareenku waxa inuu labo jeer kula taliyay Hooyada inay ka baxsato fulinta go’aanka wareejinta daryeelka caruurta ee 2016.

Laga soo bilaabo 2016 ilaa 2018, haweeneyda waxay dagneyd Malaysia iyada iyo labadeeda caruur waxayna sidaas kaga fogaatay daryeelka caruurta barnevern.

Markii ay soo noqotay ka dib  waxay ka badbaaday dacwad oogis markii ay booliisku soo afjareen baaritaanka ay ku hayeen kiiska. Hooyada dhashay haweeneyda, oo lagu soo oogay dacwad ah inaysan gacan ka geysan ka baxsashada daryeelka.

Qareenka booliska Thomas Berg ayaa tilmaamay in dacwad oogaha guud ee Trøndelag uu soo saaray dacwada ka dhanka ah garyaqaanka, laakiin ay la xiriirto isku xirnaan xagga maskaxda ah – inuu saameyn ku yeeshay haweeneyda ka timid Trondheim si ay uga tagtay dalka si ay uga baxsato daryeelka caruurta.

Kiiska ayaa loo qabtay maxkamadda degmada Sør-Trøndelag Isniinta ilaa Arbacada.

Somaliska Oslo

Xigasho Nettavisen iyo adressa

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here