Home Wararka Maanta Haweeney Swidhish ah oo ka socota Kooxda ISIS oo soo gaartay Sweden

Haweeney Swidhish ah oo ka socota Kooxda ISIS oo soo gaartay Sweden

0

waxaa Dalka Sweden maanta timid haweeney kale oo IS ISwidhish ah iyo laba carruur ah oo ay dhashay oo muddo toddobaadyo ah ku xirnaa Turkiga, halkaasi lagu tijaabiyey DNA Caruurta si loo hubiyo inay hooyada dhashay caruurta lakin maanta ayay kasoo degtay Garoonka Arlanda.

Haweeneyda oo jirta 48 sano ayaa ka tagtay magaalada Stockholm. Horaantii 2011, waxay u safartay Suuriya. halkaasi oo shan caruur ah ku dhashay. iyadoo sheegtay in ay halkaasi ku guursatay.

Waa Qof carmal ah hada waxayna gurigeeda ku haysataa laba carruur ah. Mid ka mid ah waa dhalinyaro halka kan kale uu yahay cunug yar. Cunugeedii labaad ayaa la sheegay inuu dhintay iyadoo kuwa kale uga soo hareen Dalka Suuriya.

Sanadkii la soo dhaafey, in yar oo ka mid ah haweenka IS ee Swedishka ah ayaa dib ugu soo noqdey Sweden. Dhowr ka mid ah ayaa laga soo waday xerada qaxootiga ee al-Hol, halkaas oo ay ku haysteen kurdiyiinta waqooyi bari Suuriya.

Sida laga soo xigtay macluumaadka SVT, seddex kale oo haween ah oo u dhashay Sweden  iyo caruurtooda ayaa la filayaa inay yimaadaan Sweden.

Somaliska Stockholm

Xigasho/SVT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here