Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo kordhisay Qiimaha iyo Mudada la helayo lacagta jirada ee...

Dowlada Sweden oo kordhisay Qiimaha iyo Mudada la helayo lacagta jirada ee maalinta ugu horeysa

0
Foto: Jonas Ekstromer / TT

Sida maanta Dowlada Sweden ku shaacisay shir jaraa’id waxaa dowlada ay go’ansatay kordhinta mudada la helayo lacagta dowlada ay bixiso maalinta ugu horeysa ee qofka xanuunsado taasi oo horay looga jari jiray qofka lakin hada dowlada ay bilowday sababo la xiriir Xanuunka Corona.

Wasiirka Maaliyada Sweden oo la hadashey Wakaalada Wararka Sweden ayaa sheegtay in Dowlada ay kordhisay mudada la helayo lacagta jirada ee maalinta ugu horeyso iyadoo la gaarsiiyay tan iyo bisha Abril ee sanadka danbe.

magdalena andersson ayaa intaasi ku dartay in sidoo kale la kordhiyay lacagta qofka uu helayo maalinta ugu horeyso tusaale ahaan horay lacagtaasi waxay u aheyd 8004 halka dowlada ay ka dhigtay 8010 kr.

lacagta ay dowlada bixineyso maalinta ugu horeysa ee jirada ayaa soo mareysa Sanduuqa Ceymiska Bulshada ee loo yaqaano försäkringskassan iyadoo dowlada ay ku dartay lacag dheeri ah miisaaniyada loo qoondeeyay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here