Home Wararka Maanta Qarax xooggan oo ka dhacay bartamaha magaalada Malmö

Qarax xooggan oo ka dhacay bartamaha magaalada Malmö

0

 Qarax xooggan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Malmö kadib kowda duhurnimo ah , balse ma jirto cid wax ku noqotay.

Qaraxa ayaa geystay khasaare, iyadoo daaqadaha iyo afaafka hore ee dukaamada iyo maqaayadaha ay burbureen kadib markii qaraxa lala beegsaday bakhaar ku yaalla Stora Nygatan.

Booliiska , kuwa gurmadka iyo ambalaasta ayaa goobta u soo yaacay. “Waxaan helnay dhowr warbixinood 1:06 duhurnimo. Qarax xooggan , ” ayuu yiri afhayeenka booliiska Peter Martin . Sida laga soo xigtay SVT.

Bakhaarka ayaa waxaa soo gaaray burbur xooggan, sidoo kale waxaa soo gaaray burbur dhismayaal ka ag dhawaa.

Booliska ayaa xiray wadada u dhaxeysa Studentgatan iyo Altonagatan iyaga oo ujeedkoodu ahaa in baaritaan farsamo lagu sameeyo lagana saaro dhibaato soo gaartay wadada iyo laamiyada.

“Daaqadaha dukaamada ayaa dumay, nasiib wanaagna cidna ma joogin markii uu qaraxu dhacay,” ayuu yiri Martin.

Tiro goobjoogayaal ah ayaa la hadlay booliiska, kuwaas oo dhacdadan ku tilmaamay mid dembi lagu burburinayo shacabka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here