Home Wararka Denmark Denmark oo Xayiraado soo rogtay Iskuulada iyo Goobaha Maqaayadaha oo dib loo...

Denmark oo Xayiraado soo rogtay Iskuulada iyo Goobaha Maqaayadaha oo dib loo xiray

0
Foto: Martin Sylvest/AP

Ra’iisul wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa qabanaysa shir jaraa’id qabatay Caawa Iyadoo warbaahinta Denmark ay soo xiganeyso ilo-wareedyo aan la magacaabin in dowladdu ay kusoo rogi doonto dalka xayiraado adag oo ay ka mid yihiin xiritaanka goobaha lagu caweeyo iyo iskuullada.

Guddiga xakameynta cudurrada faafa ee Danishka ayaa ku taliyay in la soo rogo dhowr xayiraad oo cusub si loo joojiyo fiditaanka fayraska Corona. Dowladda waxaa looga fadhiyaa inay raacdo talooyinkan.

Telefiishanka Danishka ayaa sheegay in laga yaabo in goobaha lagu caweeyo la xidho jimcaha soo socda. Dugsiyadu waa la xidhi doonaa laga bilaabo Diisambar 15 ilaa Janaayo 4.

Xayiraadaha kale ee la filayo waxaa ka mid ah in maqaayadaha la xidho habeenkii iyo mamnuucida isu imaatinka gudaha ee in ka badan 50 qof

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here