Home Wararka Maanta Corona oo ku soo jeestay Caruurta, Kiisaska ugu badan ee Sweden oo...

Corona oo ku soo jeestay Caruurta, Kiisaska ugu badan ee Sweden oo Caruurta laga Helay

0

iyadoo Xaalada Corona ee Caalamka ay mar kale dib u soo laabatay Waxaa kiisaska ugu badan ee Sweden laga helay Caruurta.

Sida ay Hay’ada Caafimaadka Sweden ay Sheegtay Caruurta ka yar 9 Sano jirka ayaa ah kuwa ugu badan ee laga helay kiisaska Corona.

Dhanka kale Corona Cusub ee dhawaan lagu arkay South Africa ayaa gudaha Sweden laga diiwaangaliyay

Wadanku wuxuu diiwaangeliyay wadar ahaan 16 xaaladood oo la xaqiijiyay oo ah Coronaha cusub (Omicron).

Tirooyinka tallaalka, 80.1 boqolkiiba dadka ka weyn da’da 12 waxay heleen ugu yaraan hal dose oo tallaalka ah .

Hal milyan 565,691 qof oo da’doodu ka weyn tahay 18 jir ayaa helay qiyaas saddexaad oo tallaalka ah, oo u dhiganta 18.9 boqolkiiba dadka waaweyn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here