Home Wararka Maanta Qarax ka dhacay Helsingborg iyo Toogasho ka dhacday Magaalada Malmö

Qarax ka dhacay Helsingborg iyo Toogasho ka dhacday Magaalada Malmö

0
Photo © Johan Nilsson / TT

Magaalada Helsingborg (Koonfurta Sweden) waxaa ka dhacay qarax weyn oo lala beegsaday albaabka dhismo ay degan yihiin oo ku yaala dhanka waqooyi ee magaalada.

SVT oo soo xiganeysa booliska deegaanka ayaa sheegay in qaraxa oo dhacay saqdii dhexe ee xalay, lala eegtay ilinka hore ee dhismo ay degan yihiin dad shacab ah, waxaana uu geystay khasaare hantiyeed isagoo aan geysan mid dhimasho ama dhaawac

Isla magaaladaas, nin da’diisu tahay lixdan jir ayaa fiidnimadii Axadda loo wareejiyay cusbitaalka, ka dib markii uu dhaawac halis ahi soo gaadhay. Bilayska Helsingborg ayaa ka shakiyay inuu geystay weerar halis ah, taasoo keentay inay furaan baaritaan la xiriira dhacdada.

Sidoo kale magaalada Malmö ee koonfurta Sweden ayaa waxaa shalay oo Axad ahayd ka dhacday toogasho lala beegsaday albaabka guri ay degan yihiin.

Wargeyska Aftonbladet ayaa sheegay in ciidamada booliska ay goobta isku gadaameen ka dib markii lagu wargaliyay falkan, waxaana la ogaaday in rasaas lagu furay albaabka guriga, iyadoo aan wax dhaawac ah soo gaarin dadka deegaanka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here