Home Wararka Maanta Norway Qaxootiga oo sadax jeer shaqo la’anta ka badan Bulshada kale

Norway Qaxootiga oo sadax jeer shaqo la’anta ka badan Bulshada kale

0

Waaxda Statistisk-kada ee SSB ayaa soo saartay warbixin ku aadan heerka shaqo la’aanta soo galootigu ay marayso marka loo eego bulshada kale ee wadanka.

Tirakoobkan cusub ee SSB oo quseeya rubicii ugu horeeyey ee sannadkan aanu ku jirno ayaa muujiyey in isku gayn 68.285 qof oo shaqo la’aan ah ay ka diiwaangashan yihiin Norway, waxayna tiradaasi ka dhigan tahay 2,4 boqolkiiba bulshada dalka.

Tirada shaqa la’aanta ee dadka asal ahaan ka soo jeeda soogalootiga ayaa ka ah 27.545 qof oo ka dhigan 5,8 boqolkiiba heerka shaqo la’aanta.

Warbixiintu waxay xustay in 4914 qof ee ka mid ah soo galootiga shaqa la’aanta ay kasoo jeedaan dalalka qaarada Afrika, taasoo ka dhigan 10,1 boqolkiiba tirada shaqa la’aanta ee soo galootiga.

Dalalka kale ee soo haray ee qaasatan kuwa laysku yiraahdo nordiske, iyo weliba kuwa waqooyiga Amerika iyo Oseania ayaa ah kuwa ugu kaalinta hoose kaga jira heerka shaqo la’aanta, waxaana heerkoodu yahay 2,3 iyo 2,5.

Somaliska Oslo

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here