Home Wararka Maanta Sweden 100 Sano oo kasoo wareegatay Xiligii Haweenka loo ogolaaday in Codkooda...

Sweden 100 Sano oo kasoo wareegatay Xiligii Haweenka loo ogolaaday in Codkooda dhiibtaan

0

Maanta oo jimco ah ayay ku beegantahay munaasibada Sanadkii ugu horeeyay ee Haweenka Sweden loo ogolaaday in ay codkooda doorashada dhiibteen waxana kasoo wareegatay mudo 100 sano ah.

Xaquuqda in Haweenka Codeeyaan ayaa bilaabatay Qarnigii 19 aad xiligaasi oo dhoor jeer Barlamaanka Sweden ee Raga ah ay diideen in Haweenka Codkooda ka dhiibtaan Doorashada.

Xiligaasi Haweenka la guursaday ayaana cod ku leeheen Dowlada waxana codkooda dhiibi jiray Ninka ay u dhaxday Taasi ayaana aheyd mid Rag badan ay jecelyihiin sidii ku soo socon laheyd.

Haween badan ayaa u istaagay in ay helaan Codkooda Waxana ay bilaabeen in ay Dagaal u galaan arinkasi Sanadkii 1919 bishii May ayay ku guuleesteen Dadaalkooda Codkooda ugu horeeyay ayayna dhiibteen 24 May Sanadkii 1921.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here