Home Wararka Maanta Norway oo Xirtay Xuduudaheeda Bada, kuwa Bariga, iyo Safarada Diyaaradaha

Norway oo Xirtay Xuduudaheeda Bada, kuwa Bariga, iyo Safarada Diyaaradaha

0

Dowlada Norway ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay joojinta Safarada Bada iyo Bariga kuna dartay hakinta Diyaaradaha ku socdaalaya Garoomada Waaweyn ee Dalka.

Go’anka ayaa yimid kadib markii Rai’isal wasaaraha Norway Haweeneyda lagu magacaabo Erna solberg ay qabatay shir jaraa’id kaasi oo kaga hadashey xaalada Coronavirus ee dalkaasi ku sii fidaya.

Shirkeeda jaraa”id ayay kaga codsatay Dadka Norway u dhashay in ay joogaan dalka kuwa maqana ay la xiriira xafiisyada diyaaradaha si dalka ugu soo laabtaan.

Waxaa kaloo Shacabka Norway loogu baaqay lasocodka xaalada Dalka gaar ahaan websiteka laanta socdaalka dibada halkaasi oo lasoo galinayo macluumaadka ugu danbeeyay.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here