Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo Qof kasta ugu baaqday in wadanka uu joogo kana...

Dowlada Sweden oo Qof kasta ugu baaqday in wadanka uu joogo kana digtay Safarada mudo bil ah

0

Joog wadanka hana u safrin wadan kale hadii aysan jirin muhiimad gooni ah taasi waa fariinta dowlada u dirtay dadweynaha Sweden.

”maahan xiliga saxda ah ee Safar la galo” waxaa sidaasi tiri Wasiirada Arimaha Dibada Ann Linde

dowlada Sweden ayaa intaasi ku dartay in Dowlada aysan qof kasta ka mamnuuci karin Safarada lakin Shirkadaha badankooda ay joojiyeen Socdaalka.

Go’anka Dowlada ayaa ku aadan sida looga hortagi lahaa Caabuqa Coronavirus madama xiligan uu ku dhacay kun qof oo Swedhish ah halka ay u dhinteen labo qof.

Sweden ayaana wali ku dhawaaqin xiritaanka Xaduudaheeda inkastoo wadamada caalamka badankooda ay xireen Xaduudaha ay la wadaagaan wadamada kale.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here