Home Wararka Maanta Diyaarada Turkish Airline oo joojisay Duulimaadkeeda Sweden iyo Norway

Diyaarada Turkish Airline oo joojisay Duulimaadkeeda Sweden iyo Norway

0

Tobanaan kun oo Swedish iyo Norwegian ayaa waxaa saameenaya go’aanka diyaaradda Turkish airlines ku joojisay duulimaadyadda ka tegaya ama imaanaya Sweden, Norway iyo sideed dal oo kale, sida ay baahisay wakaaladda warar TT.

 Ku dhowaad 20 000 muwaadiniin u dhalatay Sweden ayaa xilligan oo kale sannadka kasta waxay ku sugan yihiin dalka Turkiga iyada svenska balse xaaladda hadda jirtalama hubo tiradda rasmiga ah.

Sidoo kale waxaa jira muwaadiniin kale oo Swedish ah kuna sugan daafaha caalamka oo duulimaadkooda yahay Turkish airlines, transit-na ku soo mara magaaladda Istanbul.

Wasaaradda arrimaha dibeda Sweden ayaa ku boorineysa dadka Swedish ka in ay la xiriiraan shirakadda ayna eegaan habab kale oo ay ku soo gaari karaan Sweden.

Sida ay sheegtay safaaradda Sweden ee magaaladda Ankara, waxaa jirta fursad cishooyinka dhow rakaabka ku sugan Turkiga ay si toos ah ku soo gaari karaan Sweden.

Somaliska.com Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here