Home News in English Norway oo soo saartay Waqtiga uu bilaabanayo Sharciga Cusub ee Imtixaanka Luuqada

Norway oo soo saartay Waqtiga uu bilaabanayo Sharciga Cusub ee Imtixaanka Luuqada

0

Dowlada Norway gaar ahaan Hay’ada Socdaalka ee UDI ayaa Qoraal ay soo dhintay Bogeeda ku Shaacisay laga bilaabo Taariikhda 1-7-2021 uu bilaabanayo Imtixaanka Luuqada ee lagu xujeeyay Qofka doonaya in uu qaato dhalashada Dalka gaar ahaan Basaboorka weyn ee Dalka.

Imtixaanka ayaa ahaa A2 waxaana laga dhigay B1 oo ah qeyb ka adag qeybta hore sidoo kale isla Taariikhdaasi ayaa meesha laga saaray Sharciyo kale oo horay u jiray kuwaasi oo ahaa Sharuudo lagu qaadanayo Basaboorka oo Fudud.

Taariikhda uu bilaabanayo Sharciga Cusub ayaa ku beegan Sanad kadib waxaana uu saameen ku yeelandoonaa Dadka Xareesanaya Waqtigaasi kadib.

Barlamaanka Norway ayaa isbuucii hore meel mariyay Sharcigan oo ka yimid Dowlada Norway oo Qaxootiga kasoo horjeeda waxana dooda ugu badan ay aheyd Waqtiga uu bilaabayo.

Inkastoo Dowlada Norway ay soo saartay Sharciyo kala duwan hadana Sharcigan ayaa ahaa kan ugu adag ee Dadka Qaxootiga hadal hayeen madama aysan qaadan karin dhalashada ilaa ay ka gudbaan Imtixaanka Luuqada.

Somaliska Oslo

Xigasho/UDI

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here