Home Wararka Denmark Denmark oo Xuduuda u furtay Dalka Sweden gaar ahaan Gobolka Skåne

Denmark oo Xuduuda u furtay Dalka Sweden gaar ahaan Gobolka Skåne

0

Dowlada Denmark ayaa ugu danbeyn Xuduuda u furtay Gobolka Skåne oo ka tirsan dalka Sweden kaasi oo buuxiyay Sharuudaha Dowlada Denmark ku xirtay Xaduud furista wadamada ay jaarka la tahay waxana furista ay bilaabaneysa maalinta sabtida ee soo socota gaar ahaan gobolkaasi xadka la wadaaga ee Skåne.

Xuduuda ay Denmark u furtay Sweden ayaa yimid tirada Corona ee la diiwangaliyay maalmihii u danbeeyay kuwaasi oo hoos uga dhacday sidii hore gaar ahaan Gobolka Skåne oo laga diiwaangaliyay tiro aad u hooseesa.

Tirada Corona ee la diiwaangaliyay Khamiista ilaa Sabtidii lasoo dhaafay ayaa aheyd mid aad u hooseesa taasi oo keentay go’anka Dowlada Denmark ay ka qaadatay Xadka oo ah Goobaha ugu muhiimsan ee Dalka gaar ahaan Biriijka isku xira labada dal.

Dowladaha Denmark iyo Norway ayaa horay u soo saaray go’an ah in ay sii xirnanayaan Xadka ay la wadaagaan Wadanka Sweden sababo ay ku sheegeen in Dalkaasi uu ka jiro Xaalad qatar ah oo dhanka Corona.

Dad badan oo ku nool labada Dal ayaa la filayaa in ay ka faa’ideestaan furitaanka Xadka kuwaasi oo labada Dal ku xayirnaa gaar ahaan Dalka Sweden.

Somaliska Copenhagen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here