Home Wararka Maanta Norway oo sheegtay in ay Caawineyso Sweden hadii ay weydiistaan Caawin

Norway oo sheegtay in ay Caawineyso Sweden hadii ay weydiistaan Caawin

0
Foto: Terje Pedersen / NTB

Agaasimaha caafimaadka Norway ayaa sheegay in Norway ay caawin doonto Sweden hadii ay caawimaad weydiistaan. Dhakhtarka sare Jon Henrik.

– Wax codsi ah kamaanu helin Sweden, ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Bent Høie oo dhankiisa la hadlay wargayska Dagbladet lakin hadii ay na weydiistaan waan caawineynaa.

Sweden gudaheeda, xaalad aad u baahan ayaa ka jirta qaar ka mid ah qaybaha daryeelka degdegga ah – gaar ahaan magaalada Stockholm, halkaas oo aaney jiri doonin awood dheeri ah. Sweden lafteedu waa inay  Norway Weydiisataa Caawin hadii Norway ay caawinayso, ayuu yiri Høie usbuucii hore.

– Wadahadal dhow ayaan la leenahay mas’uuliyiinta Iswiidhan, waxaana heshiis ku saabsan xaalad deg deg ah oo caafimaad lagu gaarayo meeshii looga baahdo, ayuu yiri agaasimaha caafimaadka Bjørn Guldvog.

Wadamada Waqooyiga Yurub ayaa galay heshiis  caafimaad oo u gooni ah kaasi oo deg deg ah.

Somaliska Oslo

Xigasho/dagbladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here