Home Wararka Caalamka Booliska Austria oo qabtay Hub tiro badan oo loo waday Germalka

Booliska Austria oo qabtay Hub tiro badan oo loo waday Germalka

0

Booliska Austria ayaa gacanta ku dhigay daraasiin hub ah iyo 100,000 kun oo rasaas ah oo qayb ahaan loogu talagalay in lagu dhiso maleeshiyo xagjir ah oo midigta-fog ee Jarmalka, Wasiirka Arimaha Gudaha ee Austria Karl Nehammer ayaa Sabtidii ku dhawaaqay.

Masuuliyiintu waxay heleen 76 hub oo isugu jira kuwa otomaatigga iyo caadiga ah, 14 qori gacmeedyo, in ka badan 100,000 kun oo rasaas kala duwan, iyo sidoo kale lix bam gacmeedyo iyo noocyo kala duwan oo walxaha qarxa ah intii lagu jiray hawlgallada toddobaadkan.

Wargeyska Kurier ayaa qoray in hubka ay ka mid ahaayeen Kalashnikovs, Skorpions iyo Uzis.

Taliyaha booliska Vienna Gerhard Pürstl ayaa ku tilmaamay shixnadani tii ugu balaarneyd muddo tobanaan sano ah wuxuuna sheegay in hubkan loo adeegsanayo in lagu aasaaso koox xag jir ah gobolka koonfurta Jarmalka ee Bavaria.

Shan tuhmane ayaa lagu xiray Austria, oo uu ku jiro nin ay horey ugu ogaayeen maamulku dhaqdhaqaaqiisa midig-fog.

Somaliska Austria

Xigasho/DW

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here