Home Wararka Maanta Norway oo lagu dilay Wiil Somali ah, Qof loo qabtay Dilka

Norway oo lagu dilay Wiil Somali ah, Qof loo qabtay Dilka

0

Sida laga soo xigtay Booliska Norway waxaa Xaafada Tøyen lagu dilay wiil 20 sano jir ah kaasi oo dilkiisa loo adeegsaday toorey.

Falkan oo dhacay Abaaro shantii Subaxnimo xiliga Norway oo ku beegan 15 May sabtidii aan soo dhaaftay waxaa goobta gaaray booliska kuwaasi oo goobta ugu tagay qof dhaawac ah.

Booliska ayaa xiligaasi soo qaaday qofka dhaawaca lakin waxay qamiistii ay shaaciyeen in uu dhintay.

– Waxa jira dhowr qof oo deganaa guriga ku yaal Tøyen, waxaana jira dad is yaqaan. Intaas ka sokow, kama sii sheegi karo wax intaas ka badan oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya-

Booliska ayaa maanta oo Axad ah qabtay qof da’diisa lagu sheegay 30 sano jir kaasi oo loo maleenayo in uu ka danbeeyay dilka.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here