Home Wararka Maanta Sweden oo ogolaatay Safarada 7 Dal oo Cusub

Sweden oo ogolaatay Safarada 7 Dal oo Cusub

0
Gustav Sjöholm / TT

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Sweden waxay go’aansatay in 7 dal oo cusub laga saaro xayiraadaha socdaalka ee soconayay illaa 1-da Luuliyo. Tani waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, dalalkan ayaa kala ah Australia, Israel, New Zealand, Rwanda, Singapore, South Korea iyo Thailand.

Marka laga soo tago waddamadan, safarka iyo ka soo noqoshada waddamada Midowga Yurub, Aagga Dhaqaalaha Yurub iyo Aagga Schengen, marka lagu daro Boqortooyada Ingiriiska, waa la oggol yahay.

Iyadoo ay taasi jirto, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay ugu baaqday socdaalayaasha inay taxaddaraan marka ay safrayaan, in kasta oo xaddidaadaha xoogaa laga qaaday.

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa ugu baaqday dadka qorsheynaya inay safraan inay si taxaddar leh u akhriyaan tilmaamaha intaanay safrin, gaar ahaan marka la fiiriyo sharciyada soo gelitaanka iyo tilmaamaha ku aadida dal kasta

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here