Home Wararka Denmark Rasmus Paludan oo loo ogolaaday Banaanbixii Malmö isagoo Khudbadiisa ku weeraray Islaamka

Rasmus Paludan oo loo ogolaaday Banaanbixii Malmö isagoo Khudbadiisa ku weeraray Islaamka

0

Kadib markuu helay ruqsad uu ku banaanbaxayo xaafadaha magaalada Malmö, siyaasiga xagjirka ah ee reer Denmark, Rasmus paluden, ayaa fiidnimadii shalay jeediyay khudbad xanaf leh, taas oo uu ku dhiiri galinayay naceybka islaamka

Wuxuu ka soo muuqday Malmö isaga oo xidhan jaakad xabada wuxuuna codbaahiyaha ku sheegay inuu sameeyay degel gaar ah oo lagu daabaco islaam naceybka.

Tiro dad ah ayaa isugu soo baxay, iyagoo ku dhawaaqaya ereyada Eebbe Weyn, waxayna cambaareynayaan daandaansiga iyo cunsuriyadda ku dhisan ee siyaasiga reer Denmark.

Intaa ka dib, wuxuu ka tagay Baludan, halkaas oo uu ka jeediyay khudbadiisa xanafta leh, isagoon gubin nuqulada Quraanka Kariimka ah, sidii la filayay

Booliska Sweden ayaa ogolaaday gelinkii dambe ee Khamiista codsigii siyaasiga xagjirka ah ee reer Denmark,  Rasmus oo ahaa in banaanbax lagu qabto banaanka magaalada Malmö

Somaliska Malmö

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here