Ra’iisul wasaaraha Norway Jonas Gahr Stoere ayaa ku dhawaaqay in la kordhinayo heerka feejignaanta ciidamada difaaca Norway laga bilaabo maanta.
” Dagaalka gardarada ah ee Ruushka ee Ukraine waxa uu horseeday qalalaasaha ammaan ee ugu daran Yurub muddo tobanaan sano ah,” Stoere ayaa ku sheegay shir jaraa’id maanta . Sida laga soo xigtay SVT.
Ciidamada Difaaca ayaa maanta kor u qaadi doona heerka feejignaanta 0 ilaa 1. Inkasta oo Stoere uu ku nuuxnuuxsaday in go’aanka loo sameeyay Xaalada guud ee taagan.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, Norway waxay aragtay dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo u dhow xarumo muhiim ah. Iyadoo sawirada dayax-gacmeedka ay shaaca ka qaadeen in Ruushka uu ku dhawaan 11 diyaaradood oo istiraatijiyadeed ah geeyey saldhigga ciidamada cirka ee Ruushka ee Olinga ee Jasiiradda Kola ee u dhow Norway.
Stoere ayaa sheegay in dowladdu ay xoojisay diyaargarowgeeda dhowr jeer tan iyo markii uu qarxay dagaalka Ukrain