Home Wararka Caalamka Norway oo Kordhisay heerka feejignaanta ciidamada

Norway oo Kordhisay heerka feejignaanta ciidamada

0
Ad

Ra’iisul wasaaraha Norway Jonas Gahr Stoere ayaa ku dhawaaqay in la kordhinayo heerka feejignaanta ciidamada difaaca Norway laga bilaabo maanta.

” Dagaalka gardarada ah ee Ruushka ee Ukraine waxa uu horseeday qalalaasaha ammaan ee ugu daran Yurub muddo tobanaan sano ah,” Stoere ayaa ku sheegay shir jaraa’id maanta . Sida laga soo xigtay SVT.

AD

Ciidamada Difaaca ayaa maanta kor u qaadi doona heerka feejignaanta 0 ilaa 1. Inkasta oo Stoere uu ku nuuxnuuxsaday in go’aanka loo sameeyay Xaalada guud ee taagan.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, Norway waxay aragtay dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo u dhow xarumo muhiim ah. Iyadoo sawirada dayax-gacmeedka ay shaaca ka qaadeen in Ruushka uu ku dhawaan 11 diyaaradood oo istiraatijiyadeed ah geeyey saldhigga ciidamada cirka ee Ruushka ee Olinga ee Jasiiradda Kola ee u dhow Norway. 

Stoere ayaa sheegay in dowladdu ay xoojisay diyaargarowgeeda dhowr jeer tan iyo markii uu qarxay dagaalka Ukrain

AD
Previous articleIreland Waxaa jirta Dhibaato ka daran inaad hesho Sharciga Dalka
Next articleDowlada Sweden oo Sheegtay in Dhaqaalaha Dalka uu Hoos u Soconayo Xiliga Jiilaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here