Home Wararka Maanta Norway oo go’an Cusub kasoo saartay Dadka ka imaanay Safarada Dibada ee...

Norway oo go’an Cusub kasoo saartay Dadka ka imaanay Safarada Dibada ee Karantiilka galaya

0
Sawir: Berit Roald, NTB

Qof kasta oo fasax ku maqnaa dalka dibadiisa waa inuu karantiil ku ahaadaa Hotel ilaa uu ka helayo baaritaanka coronavirus . Taasi waxay dhici kartaa ugu horreyn maalinta seddexaad ee karantiilka.

“Kuwa ku soo laabanaya Norwey kadib safar fasax aan loo baahnayn oo dibada ah waa inay ku dhamaystiraan karantiil huteelada

Dadkaan waa inay degnaadaan Hotelada karantiillada ah illaa laga soo saarayo natiijada baaritaanka, ugu horreyn maalinta seddexaad, ”ayay tiri Wasiirka Caddaaladda iyo Maareynta Degdegga ah Monica Mæland (H) oo shir jaraa’id qabatay Maanta oo jimco ah.

“Agaasinka Caafimaadka ee Norwey iyo Machadka Qaranka ee Caafimaadka Dadweynaha (FHI) waxay ku talinayaan in dib loo dhigo faafitaanka noocyada fayraska ee faafa inta ugu badan ee suurtogalka ah,” ayay tiri Mæland.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here