Home Wararka Denmark Sweden oo soo bandhigtay Tirada Safarada uga yimid Denmark ee la joojiyay

Sweden oo soo bandhigtay Tirada Safarada uga yimid Denmark ee la joojiyay

0
Johan Nilsson / TT

Booliska Sweden ayaa u diiday inay soo galaan 13,000 oo safar ah oo ka yimid Danmark tan iyo markii mamnuucida soo galitaanka la soo saaray 22-kii Diseembar.

Sweden ayaa soo rogtay ganaax ku meel gaar ah oo ku saabsan Dadka kasoo gala Denmark, marka laga reebo dadka iswiidhishka iyo dadka degan ama ka shaqeeya Iswiidhan, ka dib markii uu Denamrk ku faafay Xanuunka Corona ee UK kasoo bilowday

Cadaadiska saaran booliska gobolka koofurta ayaa sii kordhay tan iyo xiligaas, madama ay kordhiyeen baritaanka Xadka Booliska Degmadda Koofureed ayaa isugu yeeray dhamaan shaqaalahooda Skona, Blekinge, Kronoperi iyo Kalmar si ay ula socdaan xuduudaha, iyo waliba shaqaalaha ka socda qeybaha kale ee dalka marka lagu daro saraakiisha booliska ee howlgabka ah.

Afayeenka booliska Eva Vestford ayaa sheegtay in qofkasta oo loodiido soo galitaanka ay tahay in si sharciga waafaqsan loola dhaqmo. Sarkaalka masuulka ka ah Boliska Xuduudaha Koonfurta Martin Bilberry ayaa sheegay in arimuhu si wanaagsan u socdaan, laakiin dib u dhacyo ay dhici karaan inta lagu jiro saacadaha lagu mashquulsan yahay, maadaama ay booliisku ka codsanayaan kuwa aan haysan waraaqo caadi ah inay dhinac u istaagaan si ay kiiskooda u hubiyaan.

Wuxuu sharraxay, “Kuwa aan diyaar u ahayn inay soo bandhigaan waraaqo sida Natiijada ugu danbeesay ee baaritaanka Corona iyo qandaraaska shaqada ee Sweden iyo kuwa kale.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here