Home News in English Sidee ugu Fudud ayaan ku heli karaa (Booking) Balanta Imtixaanka Gaariga Ama...

Sidee ugu Fudud ayaan ku heli karaa (Booking) Balanta Imtixaanka Gaariga Ama Teoriga ee Trafikverket-ka

1

Inkastoo la heli karo Balanta Imtixaanka Gaariga ama Teoriga hadana Mudo labo mar ayay hay’adda Trafikverket.se waxay dib u dhigtay Helitaanka Waqtiga balanta oo markii hore Fududaa.

Sababta ugu weyn ayaa ah in Sadexdi Kursi midkood gaar ahaan midka dhexe la hakiyay iyadoo la ilaalinayo Fogaanta leesku jiro waxa Afka Swedish-ka lagu yiraahdo ( Avstånd )

Madama ay jiraan Dad badan oo heesta midkood ama ku baasay Wadista ama Teoriga ayaa bahda Somaliska waxay idinla wadaageyaa Qaababka ugu Fudud ee lagu heli karo Balanta imtixaanka.

1:- mida ugu horeysa ayaa ah in Imtixaanka aad ka eegto Magaalooyinka ama Tuulooyinka dhaa dheer Halkaasi oo si fudud looga heli karo Imtixaanka waliba waqti dhow.

2:- Qofka Shaqeeyo waxa uu ka heli karaa Goobta uu joogo tusaale Stockholm lakin waxay ku xirantahay waqtiga la eego Saacadaha ugu Feecan ayaa ah Subixi waqtiga hore ama Habeenka wixii ka danbeeyo 00:00 am marna haka raja dhigin wayo waqtiga waa xiliga Hay’ada Trafikverket.se ay soo bandhigo Imtixaanada dib loo soo celshay.

3:- hadii aa tahay Qof aad Mashquul badan waxaa qeyb ka noqon kartaa Skoltrafik kuwaasi oo heesta awood ay ku heli karaan Imtixaano dhow inkastoo ay qaali yihiin.

Waxaa dhici karta in mar kale ay Hay’adda kordhiso waqtiga lagu heli karo balanta madama Xanuunka uu sii kordhayo.

Hadii aad heyso Qabab kale Fadlan Hoos ku Qor oo Asxaabta la wadaag.

Somaliska Stockholm

 

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here