Home News in English Norway oo Dhalashada ka Ceshatay 44 Caruur ah Labo Sano Gudaheed

Norway oo Dhalashada ka Ceshatay 44 Caruur ah Labo Sano Gudaheed

0
Photo HÃ¥kon Mosvold Larsen / NTB

Tirokoobyada laga helay TV 2 ayaa muujinaya in UDI-du ay dhalashada kala noqotay 44 caruur ah tan iyo 2020.

“UDI-da kama xayuubin dhalashada dhallaanka muddada dheer, tusaale ahaan, carruurta xiriir adag la leh Norway oo ku nool Norway. Si gaar ah ayaanu jinsiyadda ugala noqon karnaa ilmaha, haddii aanu ilmuhu xidhiidh adag la lahayn Norway, ayay tidhi agaasimaha laanta kontoroolka UDI-da Kjersti Trøseid.

Sharciga cusub ee jinsiyadda oo dhaqan galay bilawga sanadka 2020-ka ayaa dhigaya in dhalashada Norway aan carruurta sida caadiga ah lagala noqon karin marka waalidiintu ay sheegaan warbixin qaldan.

29 ka mid ah carruurta ayaa markii go’aanka la gaaray da’doodu ka weyn tahay lix sano, siddeedna waxay da’doodu u dhexeysay 12 ilaa 17 sano jir. 70% caruurtu waxay Norway degenaayeen in ka badan shan sano. Laga soo bilaabo 2010 ilaa 2017, 27 carruur ah oo keliya ayaa lagala noqday jinsiyadda iyadoo lagu salaynayo isla asalkooda.

Dowlada Norway ayaa kamid ah Wadamada Dhaca Waqooyiga Yurub ee Dhalashada kala noqda Waalidiinta Ajaanibta iyagoo Sababo gaar ah eegaya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here