Home News in English Labo Dhalinyaro oo lagu dilay Toogasho ka dhacday Caasimada Stockholm

Labo Dhalinyaro oo lagu dilay Toogasho ka dhacday Caasimada Stockholm

0
Foto: Jonas Carnesten/Sveriges Radio

Nin dhalinyaro ah oo da’diisa lagu sheegay labaatan jir ayaa laga helay dhaawac rasaas ah degmada Skarpnäck ee koonfurta magaalada Stockholm, waxaana la dhigay isbitaalka isagoo dhaawac culus ah, balse wax yar ka dib ayaa halkaas ku dhintay, iyadoo booliiskuna ay shaaciyeen in la xiray qof la tuhunsanaa.

Dhacdadaan ayaa waxaa ka horeeyay mid lamid ah mid ka dhacday agagaarka deegaanka Farsta, halkaasi oo wiil dhalinyaro ah uu isna ku dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaasta.

 Wax yar ka dib tobankii habeenimo ee shalay ayaa booliska waxaa soo gaaray dhowr taleefoon oo ku saabsanaa in la maqlay dhawaqa rasaasta oo ka dhaceysa bartamaha magaalada Säkarpnak, halkaasi oo wiil dhalinyaro ah laga helay rasaas goobta uu ka dhacay, waxaana sida uu booliisku sheegay dhibanaha in lagu dhuftay toban xabbadood.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen qof looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dilka.

Dilalka ka dhaca Caasimada Stockholm ayaa ah kuwa soo badanaya Sanadihii u danbeeyay mana jirin wax talaabo ah oo ilaa hada laga qaaday.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here