Home Wararka Maanta Norway oo 15,000 kroner ku Ganaaxday Nin Tareen ku dhex Qufacay

Norway oo 15,000 kroner ku Ganaaxday Nin Tareen ku dhex Qufacay

0
Photo: Cornelius Poppe / NTB

Nin 40 sano jir ah una dhashay Norway ayaa lagu xukumay Bixinta lacag gaareysa 15,000 kroner kadib markii uu ku dhex Qufay Tareen sida uu baahiyay Talafashinka NRK

Ninkan ayaa saarnaa Tareen kasoo tagey Gjøvik kuna wajahnaa Lunner isagoo Qufaca kadib ku qeeliyay erayo ay kamid yihiin waxaan Qabaa Corona.

Maxkamada ayaa u fadhiisatay Dacwadiisa waxana markii hore lagu xukumay 20,000 kr lakin xaalada dhaqaale dartii ayaa looga qafiifiyay 5,000 kr.

Ninkan ayaa falkan sameeyay bishii January lakin dacwadiisa ayaa loo fadhiistay hada taasi oo keentay in xukunkaasi lagu rido.

ugu danbeyn Ninkan ayaa bixindoona lacag dheeri ah oo gaareysa 2.000 kr, Norway ayaana kamid ah wadamada sida aadka sharciga ugu soo saaray Corona.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here