Home Wararka Caalamka Ninkii Quranka ku gubay Sweden oo Sheegay inuu u Wareegayo Norway

Ninkii Quranka ku gubay Sweden oo Sheegay inuu u Wareegayo Norway

0
Foto: Johan Nilsson/TT

Salwan Momika oo asal ahaan kasoo jeeda Dalka Ciraaq isla markana heesta Diinta Masiixiga ayaa sheegay inuu u wareegayo Dalka Norway isla markana uu halkaasi waydiisnayo Magangalyo.

Ninkan oo Tiro jeer ah ku gubay Quraanka Kariimka Caasimada Stockholm ayaa laga ceshtay Sharciga Deganaanshaha Wadanka kadib markii Laanta socdaalka Wadanka ay ku heshay Qaladaad ku jira Dacwada uu isku dhiibay.

isagoo la hadlay Warbaahinta AFP Salwan ayaa sheegay in Sweden aysan ka jirin Xurnimada Hadalka taasina ay sabab u tahay inuu wadanka iskaga tago.

Wareysi uu Arbacada siiyay Warbaahinta Expressen ee Dalka Sweden Waxa uu Salwan sheegay inuu ku socdo Dalka Norway.

lama oga sida ay noqon karto Dacwadiisa Madama uu jiro Sharci Yurub oo dhigaya in Qofka uusan iska dhiibi karin Wadan kale uuna Xaq ku leeyahay wadanka uu marka hore iska dhiibay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here